Wasiir Jawaab kulul ka bixiyay Dhul boobkii lagu eedeeyay Ra’isul Wasaare Rooble

Taliyaha ciidanka Badda Soomaaliyeed Gen. Cabdixamiid Dirir  oo Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa ku eedeeyey RW Rooble inuu boob ku hayo dhul ay ciidankaas ku leeyihiin magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka xeebta Liido.

Waxa uu sheegay taliyaha in Ra’isul Wasaaraha iyo masuuliyiin kale ay boobayaan dhulka ciidanku lahaa ayna ka dhisanayaan qasriyo iyo goobo kale oo raaxo, waxa uuna nasiib daro ku tilmaamay in madaxdii qaranka in boobayaan dhul danguud ah.

Wasiirka Howlaha guud xukumada federalka Soomaaliya Sareeye guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) ayaa muuqaal laga soo duubay ku beeniyay eedeynta dhul boobka ah ee loo jeediyay Ra’isul Wasaare Rooble.

Waxa uu sheegay Bashiir Goobe in uu ka argagaxay markii uu daawaday eedeynta taliyaha ciidanka, waxa uuna wax anshaxa ka baxsan ku tilmaamay in sargaal ciidan uu warbaahinta ka hadlo eedeyna u jeediyo madaxda sare.

Waxa uu sheegay Jeneraalka ugu darajada sareeya ciidanka dowlada Bashiir Goobe  in ogaanshihiisa dhulkaasi aanu ahayn dhul ciidan. Waxa uu sheegay in dhulkaasi yahay dhul yar oo u dhexeeya xeebta iyo safaaradda Turkiga.

“Ogaanshihayega iyo taariikhda wadanka aan ku aqaano, dhulkaan waxaa iska leh Dekedda oo ma aha dhul ciidanka badda leeyahay, Dhismaha Safaaradda Turkiga ayaa ahaan jirtay Taliska Ciidanka Badda balse Xukuumaddii Kacaanka ayaa ka wareejisay loona wareejiyay halka loo yaqaan Mariina” ayuu yiri Bashiir Goobe.

Eedeynta taliyaha ciidanka badda Soomaaliya u jeediyay Ra’isul Wasaare Rooble ayaa dad badan layaab ku noqotay, waxaana hadalkan imaanayaa xili Ra’isul Wasaaraha iyo Madaxweyne Farmaajo soo kala dhax galay khilaaf doorashada ku aadan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -