Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowlada Soomaaliya ayaa maanta Xukuno adag oo xabsi ah ku riday labo nin oo lagu eedeeyay in ay katirsan yihiin dagaalyahanada kooxda Al Shabaab.
Xafiiska xeer ilaalinta Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa ku soo eedeeysay Xuseen Daa’uud Cali iyo Cabdullaahi Maxamed Axmed in ay katirsanaayeen Al Shabaab una qaabilsanaayeen tuurista bambooyinka iyo kireynta guryaha.
Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay in labadan nin ku cadaatay dambiyada lagu soo eedeeyay ee ah in ay katirsanaayeen Al Shabaab ayna muteen xukunka lagu riday.
Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa Xuseen Daa’uud Cali ku riday 15-sano oo xabsi ciidan ah halka Cabdullaahi Maxamed Axmed isna maxkamada ku riday hal sano oo xabsi ciidan ah.
Labadan eedeesane ee xukunka lagu riday ayaa heesta fursad kale ee racfaan uga qaadan karaan xukunka lagu riday hadii aysan ku qanacsaneyn , waxaana loo gudbinayaa hadii ay racfaan qaataan Maxkamada sare ee Ciidamada.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com