Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Isimada Puntland oo bayaan cusub ka soo saaray xiisadda Deni iyo taliyihii hore ee PSF

Isimada beelaha dowlad goboleedka Puntland ayaa soo saaray go’aano cusub oo lagu xalinayo xiisadda ka dhex aloosan Madaxweyne Deni iyo agaasimihii hore ee ciidamada PSF.

Qoraal ay soo saareen  Isimada ayaa taageeray go’aanadii horey uga soo baxay Isimadii ka horreeyey, marka laga reebo hal qodob oo ah in milkiyadda hubka, ciidanka iyo agabka kale ee PSF loo reebo agaasimaha xilka laga qaaday Maxamuud Cismaan C/llaahi Diyaano

Qodobkan waxaa horey uga hor yimid Maamulka Puntland oo ku tilmaamtay mid meel ka dhac ku ah sharafta dowladnimo, khatarna gelinaysa amniga iyo xasiloonida Puntland “

Isimada ayaa soo jeediyey go’aan cusub oo sheegaya in agaasimihii xilka laga qaaday loo reebo agab iyo ciidan oo ku filan amnigiisa.

HOOS KA AKHRISO BAYAANKA CUSUB

 

 

Related posts

Madaafiic caawa la isku weydaarsaday degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe

Caydiid Ali

Trump oo ka hadlay duqeyntii galabta ka dhacday Puntland

Caydiid Ali

Madaafiic lagu garaacay xarunta Madaxtooyada xilli Ammaanka Muqdisho la adkeeyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---