Askartii Sababta u aheyd rabshadaha ka socda Mareykanka oo dacwado cusub lagu soo oogay

Magaalooyin badan oo kuyaala dalka Mareykanka waxaa ka socda dibad baxyo rabshada wata oo ay dhigayaan dad ka careesan dilkii sargaal katirsan booliiska Mareykanka u geestay nin madow ah oon hubeesneyn.

Xeer ilaalinta Gobolka Minnesota, ayaa dacwad cusub kusoo oogtay askarigii dilka u gestay Goerge Floyd iyo sadex askari kale oo falkaasi ku caawisay kuwaa oo dhamaantood laga eryay shaqada ciidanka.

Sargaalkii dilka carada badan abuuray geestay ee Derek Chauvin , ayaa lagu soo oogay dacwado cusub oo la xariira dilka uu geestay, waxaana dukumiintiyo la helay muujinayaan in dilka uu geestay sargaalkan ay gaarsiisan tahay darajada labaad.

 

Waxaa sidoo kale iyana dacwado lagu soo oogay sadex askari kale oo la socday askariga dilka geestay,  waxaana sadexda askari kale wajahayaan dacwado la xariira in ay gacan ka geesteen falka dilka ah ee dhacay.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Gobolka Minnesota, Keith Ellison oo dacwadahan cusub kusoo oogay eedeesayaasha ayaa shaaciyay in ay ka shaqeenataa  danta cadaaladda iyo sidii ay u guuleesan laheyd.

Dacwadahan cusub ee lagu soo oogay askariga dilka geestay iyo kuwii la socday ayaa siyaabo kala duwan loo soo dhaweeyay, waxaana dacwadahan kusoo aadayaan xili wali socdaan banaan baxyo lagu cambaareenayo dilka booliiska geesteen.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -