Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Madaxweyne Deni oo ka hadlay khilaafka ka taagan hoggaanka ciidanka PSF (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta ka qeybgalay munaasabad ay xilka kula kala wareegeen Taliyihii cusub ee Ciidanka Asluubta Puntland Gen. Bile Faarax Cali iyo Taliyihii hore Ciidanka Asluubta Puntland Gen. Cali Nuur.

Madaxweynaha ayaa boggaadiyay shaqada wanaagsan ee uu muddo dheer soo qabtay Gen. Cali Nuur Taliyihii Asluubta ee maanta xilka wareejiyay, Wuxuuna ku maamusay in Bilad Shahaado Sharaf uu ku muteystay sida uu usoo dhisay uga a shaqeeyay po wakhti badan u geliyey Ciidanka Asluubta Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqay in xarunta Kuliyadda Tababarada Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed, ee ku taalla Garoowe loogu magac daro Gen. Cali Nuur, maadaama uu dhowr iyo toban sano ka badan kasoo shaqeynayay dhismaha Ciidanka Asluubta Puntland.

Madaxweynaha ayaa ka mahadceliyay sida wanaagsan ee ay u dhacday munaasabadda xilwareejinta Taliyeyaasha Ciidanka Asluubta Puntland, Wuxuuna sheegay in Dowladnimadu ku dhisantahay awaamiir iyo kala danbeyn. Taas oo ay laf-dhabar u tahay sareynta sharciga oo aysan dowladdu marnaba gorgortan ka gelayn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Kumaandooska iyo kuwa Mareykanka oo ka baxay Baar Sanguuni (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Khayre oo Kigali kula kulmay Madaxweyne Paul Kagame (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

(Sawirro) Deni oo Shir looga hadlayo qodobo muhiim ah ka furay Garoowe

Caydiid Ali
Taboola Ads ---