Hogaamiye Merera Gudina iyo boqolaal kale oo laga sii daayey xabsiga

Dowlada Itoobiya ayaa daaqada ka tuurtay kiis ka dhan ahaa hogaamiye ka tirsan mucaaradka oo la xiray in ka badan sand ka hor.

Siideynta hogaamiyaha Oromo Federalist Congress, Merera Gudina, ayaa ka mid ahaa waxyaabihii ugu waawaynaa ee ay dalbanayeen dibad baxayaasha gobolka Oramiya.

Dhanka kale xeer ilaaliyaha guud ee dalka Itoobiya, Getachew Ambaye,ayaa sheegay in in ka badan 500 oo maxaabiisa la siidayn doono maalmaha soo socda.

Waxa uu sheegay in marka hore ay tahay in maxaabiistan ay maraan tababar dhaqancelin ah.

Masuuliyiinta Itoobiya ayaa sheegtay in maxaabiista la siidaynayo ay ku jiraan kuwa aan isticmaalin xoog si ay isugu dayaan inay dowladda carqaladeeyaan.

Kumanaan qof ayaa la xidhay mudo laba sanadood iyo dheeraad ah oo ay socdeen mudaharaaddo dawladda lagaga soo horjeeday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -