Deni oo la dardaarmay guddi maanta shaqo bilaabay oo loo xilsaaray..(Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta daah-furay Guddiga Sare ee Warbaahinta Puntland oo maanta shaqo billaabay.

Madaxweynaha ayaa u rajeeyay Guddiga Sare  ee Warbaahinta Puntland, in ay shaqadooda si madax banaan u qabsadaan, wuxuuna ku dhawaaqay in Dowladdu u fududeynayso guddiga inuu shaqadiisa u qabsado si waafaqsan shuruucda u yaalla.

“Guddiga Sare ee Warbaahinta Puntland oo maanta shaqo billaabay. Waa Guddi muhim u ah Dowladda iyo Warbaahinta labadaba iyo guud Bulshada inteeda kale” ayuu yiri Deni.

“Maadaama ay guddigu isugu jirto Dowladda, Ururka Suxufiyiinta Puntland, Dallada Ururada Bulshada Rayidka ah iyo Ururka Qareenada, waxaan rajeynaya in ay ku filanyihiin in ay shaqadan kasoo baxaan. Anaguna diyaar waxaanu u nahay inaan u fududeyno inay shaqadooda u gutaan si waafaqsan Shuruucda u yaalla” ayuu sidoo kale yiri Madaxweyne Deni

Guddiga Warbaahinta Sare oo ah 7 xubnood ayaa ka kooban Dowladda, Ururka Suxufiyiinta Puntland, Dallada Ururada Bulshada Rayidka ah ee Puntland iyo Ururka Qareenada Puntland, waxaana ka mid noqonaya Shaqadooda diiwaangelinta iyo Aqoonsiga qofka weriye noqonaya, qaadista dacwadaha la xiriira Warbaahinta iyo Anshax marintooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -