Madaxweynihii ugu horeeyey dowlad ee goboleedyada Somalia oo ka hadlay qaraxii Addis-ababa

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa cambaareeyay Qaraxii lala eegtay dad dibadbax ka dhigayay Magaalada Addis Ababa halkaasoo uu tageerayaashiisa kula hadlayay Ra”iisul Wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in falkaasi uu ahaa xadgudub iyo danbi weyn oo loo gaystay dad aan waxba galabsan isagoo sheegay in Cadaalada la mariyo kuwii falkaas ka danbeeyay.

Madaxweynahu wuxuu u tacsiyeeyay eheladii iyo qaraabadii dadkii ay dhibtu gaartay isagoo hoosta ka xariiqay inuu la qabsanayo Xanuunka iyo Tiiranyada kuwa halkaas ku waayay Saxiibadood iyo dadkii ay Jeclaayeen.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa horey si kulul ugu cambaareeyay qaraxii saaka ka dhacay fagaaraha Meskel ee magaalada Addis Ababa, halkaasoo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uu kula hadlayey kumanaan ruux.

Ugu yaraan 100 qof ayaa la sheegay iney ku dhaawacmeen qaraxaas, kuwaasoo 3 ka mid ay markii dambe geeriyoodeen sida ay sheegeen masuuliyiinta dalkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -