Allbanaadir.com
NEWS

Mahdi Guuleed oo noqday Xildhibaankii u horeeyay ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11aad

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed {Khadar} ayaa goordhaw loo doortay in uu noqdo Xildhibaan kamid noqonaya  Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11aad ee federaalka Soomaaliya.

Mahdi Guuleed ayaana goordhaw ku guuleystay Kursiga 1-aad ee sumaddiisu tahay Hop#239, waxaana kursigan kula tartantay  Mushtaaq Ibraahim Yusuf oo la sheegay in ay aheyd musharax qaab malxiis ahana usoo xushay Ra’isul Wasaare kuxigeenka dalka.

Ra’isul Wasaare Kuxigeenka dalka Mahdi Guuleed ayaa helay 97-cod oo kamid aheyd 101-da ergo ee wax dooraneysay, halka gabadhii la tartameysay Mushtaaq ay heshay sadex cod waxaana halaabay hal cod oo kale.

Mahdi Guuleed ayaana noqonaya Xildhibaankii u horeeyay ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11aad ee federaalka Soomaaliya, waxaana la filayaa in goordhaw sidoo kale la doorto kursiga labaad ee golaha shacabka.

Doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee federaalka Soomaaliya ayaana maanta si rasmi ah u bilaabatay, waxaana la filayaa in dhawaan maamul goboleedyada dalka qaarkood in ay ka bilowday doorashada golaha shacabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

C/weli gaas oo dalacsiiyey Saraakiil hor leh oo ka tirsan ciidanka Puntland (Magacyada)

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaal culus oo ka dhacay Janaale iyo Khasaaro ka dhashay

Cabdi Cade

Wasiir Xildhibaan Doon ah oo walaac ka muujiyay Doorashada ka dhaceysa Boosaaso

Cabdi Cade
Taboola Ads ---