Taliban oo weerar dhimasho sababay ku qaaday goob ay ka socotay Xaflad Aroos !

Rag hubeesan oo la sheegay in ay katirsanaayeen kooxda Taalibaan ee arimisa dalka Afganistan ayaa weerar ku qaaday goob ay ka socotay xaflad aroos oo laga shiday heeso iyo Muusik.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in goobta xaflada arooska ka socotay oo kutaalay degmada Surkh Rod ee gobolka Nangarhar ay yimaadeen sadex nin hubeesan oo katirsan Taalibaan ayna rasaas ku fureen goobta xaflada ka socotay iyaga oo ka careesan muusiga.

Inta la xaqiijiyay labo qof ayaa ku dhimatay tobon qof oo kalana waa ku dhaawacmeen goobta xaflada arooska ka socotay ee rasaasta ku fureen dableyda hubeesan ee katirsan kooxda Taalibaan.

Afhayeen u hadlay kooxda Taaliban ayaa sheegay in labo ka mid ah saddexda nin ee weerartay goobta xaflada la xiray, waxa uuna afhayeenka beeniyay in ragan hubeesan ay matalayeen magaca dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah.

Kooxda Taalibaan ayaa mamnuucday heesaga muusiga , waxaana warar soo baxaya sheegayaan in lamaanaha xaflada arooska dhiganayay ay fasax ka qaateen hogaamiye katirsan Taalibaan si arooskooda looga shido muusig horey loo sii duubay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -