Dadkii taageeray Kooxda Ahlu Sunna ee laga saaray Guriceel oo talaabo adag laga qaadayo

Ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Galmudug ayaa maanta si buuxda ula wareegay gacan ku heynta magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, kadib dagaalo lagu hoobtay oo ay la galeen ciidamo taabacsanaa kooxda Ahlu Sunna.

Taliyaha Ciidamada Booliska degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud Cismaan Cali Hudeey oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in amaanka magaalada uu hada sugan yahay ayna si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada dowlada iyo kuwa Galmudug.

Waxa uu sheegay taliyaha in bulshada Guriceel ka difaaceen koox cadaw ah uu tilmaamay in ay kusoo duuleen, waxa uuna xusay in diyaar u yihiin sidii ay uga hortagi lahaayeen cadawgaasi ugana dulqaadi lahaayeen bulshada deegaanka.

Taliye Hudeey ayaa sheegay in ay talaabo adag ka qaadi doonaan cid kasta oo af iyo adinba ku taageertay kooxda Ahlu Sunna ee laga saaray magaalada Guriceel, kuwaa uu ku eedeeyay in dambiyo galeen.

” Cid kasta nimankaasi magaalada kusoo duushay taageertay kama hareyno, kuwii af ku taageeray iyo kuwii maal iyo awoodba ku taageeray, hadii alla idmio dadkaasi talaabo adag ayaan ka qaadi doonaa, ” ayuu yiri taliyaha booliiska Guriceel.

Taliyaha ayaa sidoo kale ugu baaqay dadkii boobay saldhiga booliiska Guriceel in ay soo celiyaan hantidii iyo alaabihii ay ka qaateen, waxa uuna cadeeyay in ay la socdaan cid kasta oo falkaasi boobka ku lugta laheyn.

Ugu Dambeyn taliyaha booliiska Saldhiga Guriceel ayaa ugu baaqay shacabka magaaladaasi ee dagaalka ku barakacay in ay dib ugu soo laabtaan guryahooda uuna hada amaanka sugan yahay lana soo afjaray kooxdii magaalada kusoo duushay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -