Madaxweyne Qoor Qoor oo Guddi Cusub magacaabay amarna ku bixiyay in lala shaqeeyo

Wareegto kasoo baxday Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayuu ku magacaabay Guddiga Daadejinta Adeegga Dowladaha Hoose ee dowlad Goboleedka Galmudug.

Guddigan uu magacaabay Madaxweynaha Galmudug oo ka kooban 11-xubnood ayaa dhamaan katirsan golaha Wasiirada Galmudug, waxaana guddigan hogaamin doona Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Mudane Cali Ciid Daahir.

Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor ayaa faray dhammaan hay’adaha kala duwan ee Dowladda Galmudug, in ay la shaqeeyaan Guddigan si ay u gutaan waajibaadkooda shago uu u igmaday.

Halkan ka Akhriso Wareegtada Qoor Qoor guddigan ku magacaabay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug.
 
Markuu Arkay: Qodobka 50aad farqaddiisa 5aad, ee Dastuurka Galmudug;
 
Markuu Arkay: Baahida loo qabo in lamagacaabo Guddiga Daadejinta
 
Adeegga Dowladaha Hoose,
 
Markuu tixgaliyey: Aqoonta iyo khibradda ay leeyihiin Daadeiinta Dowladaha hoose,
 
Markuu latashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda GM,
 
Madaxweynuhu wuxuu Magacaabay Guddiga Hoos Ku Xusan, waxaana hogaamin doona Madaxweyne kuxigeenka DGM, Mudane, Cali Dahir Ciid.
 
Qodobka 1aad.
 
1.Axmed Xasan Cali Wasiiru Dowlaha W. Arimaha Gudaha (Gud. Kuxigen)
2.Farxaan Cali Maxamuud Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda
3.Maxamed Xaashi Dhoore Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada
4.Cabdiwali C/llahi Jaamac Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka
5.Cabdinasir Geelle Cilmi Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta
6.Maxamuud Cabdi Axmed ‘Kaarshe’ Wasiirka Wasaaradda Biyaha Iyo Tamarta
7.Axmed Casir Dhiblaawe Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-U-Dhiska
8.Siciid Siyaad Shirwac Wasiirka Wasaaradda Bayada
10.Yaxye Xasan Xiish Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha
11. Ubax Xuseen Dhiblaawe Wasiirka Wasaaradda Haweenka yo Xuquuqda Aadanaha
 
Qodobka 2aad.
 
1. Waxaa lafarayaa dhammaan hay’adaha kala duwan ee Dowladda Galmudug, in ay la shaqeeyaan Guddigan si ay u gutaan
waajibaadkooda shago.
 
Qodobka 3aad.
 
1. Xeerkan wuxuu dhagan galayaa marka uu saxiiixo Madaxweynaha waana saxiixay.
 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -