Nin Dilay Caruur badan dhiigoodana Dhuuqay oo si silac ah loo dilay !!

Dad careesan ayaa magaalada Bungoma ee Galbeedka Kenya ku taala ku dilay nin ka baxsaday xabsi kuyaala magaalada Nairobi , ninkan ayaana horey u qirtay in uu dilay caruur badan oo da’yar ahaa.

Masten Wanjala, oo 20 sano jir ahaa, ayaa markii uu ka baxsaday xabsi kuyaala magaalada Nairobi dhuumashaal ku tagay deegaan qoyskiisa kunool yihiin oo kuyaala magaalada Bungoma si halkaasi ugu dhuunto booliiska oo baadi goob ugu jiray.

Dadka deegaanka ayaana aqoonsaday ninkan dilaaga ah ee xabsiga kasoo baxsaday, waxa ayna ninkan uga dabatageen guri uu ku dhuumanayay oo kuyaala meel aan ka fogeyn guriga waalidkiisa kadibna halkaasi ku dileen.

Booliiska magaalada Bungoma ayaa sheegay in shacabka careesan ninkan dilaaga ah si xun u garaaceen ayna jir dilayeen ilaa uu ka dhinto, waxaana booliiska goobtaasi soo gaareen ninkan oo garaacis u dhintay.

Masten Wanjala, ayaa qirtay in si xun u dilay ilaa 10-caruur ah kadibna dhiigooda cabi jiray, waxa uuna ninkan caruurta uu dilay ku aasi jiray goobo qarsoodi ah , waxa uu sidoo kale ninkan qirtay in caruur kale afduubtay uuna baad ka qaatay eheladooda.

Dilaagan ayaa maalmo kahor ka baxsaday xabsigii uu ku xirnaa oo kuyaala magaalada Nairobi, waxaana la xiray oo maxkamad la horgeeyay sadex askari oo ilaalo ka hayay xabsoiga xiliga uu ninkan baxsanayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -