Muxuu Rooble kala hadlay Wafdiga dowlada Somalia u dirtay Maxkamada ICJ? (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Maxamed xuseen Rooble ayaa kulan dhiirrigelin ah habka fogaan aragga kula yeeshay wefdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka qeyb galaya ku dhawaaqista go’aanka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee dacwadda badda.

Wafdigan oo uu horkacaya Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa gaaray magaalada Hague oo ah xarunta Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ

Xubnaha Wafdiga ayaa Rooble u sheegay in magaalada Hague ay ku soo gaareen Soomaali badan oo ka timid dalal kale si ay ugu dabaaldegaan guusha laga gaaray kiiska badda, iyagoo xusay in rajadu aad u sareyso.

Maxkamadda Caddaaladda aduunka ICJ ayaa 12 bishan Ku dhawaaqidoonta natiijada kama danbeeska ah ee dacwada badeena ee ay nagu heesato Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -