Rooble oo Muqdisho ku soo laabtay iyo Qatar oo labo arrimood ka balan-qaaday

Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdigii uu hoggaaminayay ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtay, ka dib booqasho rasmi ah oo uu muddo 3 cisho ah ku joogay dalka Qatar.

Rooble ayaa intii uu ku sugnaa Doha waxaa uu kulammo khuseeya xoojinta xiriirka labada dal kula yeeshay madaxda dalkaas.

Madaxda Qatar ayaa bogaadiyay dadaallada Xukuumadda ee ku aadan qabsoomidda doorashooyinka, isagoo sheegay in dowladda Qatar ay ka go’an tahay adkayna xariirka soo jireenka ah ee labada dowladood.

Wasiirka arrimaha dibeda ee Somalia Maxamed C/risaaq ayaa sheegay in dowlada Qatar ay balan-qaaday dardargelinta mashaariicda ay ka wado Somalia, sidoo kalena gacan ka geysaneyso ka qeyb qaadashada dhaqaalaha ku baxaya doorashada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -