Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Rooble iyo Wefdi uu Hogaaminayo oo kusii jeeda dalka Qatar

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa in saacadaha soo aadan u ambo baxaan magaalada Doha ee caasimada dalka Qatar.

Sida aan wararka ku helnay Ra’isul Wasaare Rooble ayaa casuumad gaar ah ka helay madaxda dowlada Qatar, waxaana la filayaa marka uu tago dalkaasi in uu kulamo la qaato madaxda dalkaasi.

Xafiiska Ra’isul Wasaare Rooble ayaan wali faah faahin ka bixin safarka Rooble ku tagayo dalka Qatar iyo ujeedkiisa, waxaana safarkan kusoo aadayaa xili uu khilaaf xoogan u dhaxeeyo Ra’isul Wasaare Rooble iyo Madaxweyne Farmaajo.

Dowlada Qatar ayaa xiriir aad u dhaw la leh Madaxweyne Farmaajo iyo lataliyihiisa Amniga Qaranka Fahad Yaasiin, lamana oga ujeedka xiligan dowlada Qatar u casuuntay Ra’isul Wasaare Rooble ay isku dhacsan yihiin madaxdii ay xiriirka dhaw la lahaayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo: Sawir Gacmeed qosol badan oo lagu cabiray waxyaabihii ka dhacay Golaha shacabka

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Qorshaha isku dhafka Ciidamada Qalabka sida oo laga wada hadlay

Cabdi Cade

Maxkamad milatari oo loo gacan galiyay Siyaasiyiin iyo dad kale oo taageersanaa Imran Khan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---