Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Kumandoska Gorgor oo tababar loo soo xiray (Sawirro)

Wasiirka Gaashandhigga Somalia Xasan xuseen Xaaji ayaa ka qeyb galay Munaasabad lagu dhaarinayay Saraakiil & Saraakiil xigeeno iyo ururka 10aad ee Ciidanka Kumaandoska XDS ee GORGOR .

Munaasabada sidoo kale waxaa ku sugnaa Saraakiil ka tirsan XDS,  Taliska Xarunta Tababarada Ciidanka ee Turkisom iyo Masuuliyiin ka socotay Safaaraadda Turkiga ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Avv. Xasan Xuseen Xaaji ayaa tilmaamay in Ciidanka XDS gaar ahaan Kumaandoska GORGOR ay ka qeyb-qaateen xorreynta Degaanno ka tirsan Gobalada Dalka, ayna qeyb libaax kaga jiraan  dagaalka ka dhanka ah kooxo uu ugu yeeray argagixiso

Sidoo kale ciidanka tababarku u dhamaaday ayuu sheegay in looga baahan yahay inay dhowraan sharafta qaranka ay u dhaarteen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -