Maxaa sababay Dib u dhaca ku yimid kulankii Golaha Wasiirada Somalia?

Kulan xasaasi ah oo maanta lagu waday iney iskugu yimaadaan Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya ayaa baaqday sida ay sheegayaan warar goor dhow na soo gaaray.

Waxaa la filayey in shirka maanta la horgeeyo 15 Safiir si ay u ansixiyaan.

Fariimo lagu sheegay in shirku baaqday ayaa loo diray golaha Wasiirada Somalia inkastoo aan la ogeyn sababaha keenay baaqashadiisa.

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa todobaadkii hore waxaa la horgeeyay 12 Safiir, balse Wasiirada qaarkood ayaa ka soo horjeestay, iyagoo sheegaya in safiirada cusub aysan waafaqsaneyn qaabka awood qeybsiga ee 4.5.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -