Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

DEG DEG: Ciidamo taabacsan hogaanka Ahlu sunna oo la Wareegay degmada Guriceel

Ciidamo taabacsan hoggaanka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa soo sheegayaa iney la wareegeen degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud sida ay sheegayaan warar halkaas naga soo gaaraya.

Ma jirin wax dagaal ah oo ka dhacay halkaas, iyadoo ciidamada Ahlu Sunna ee la wareegay Guriceel ay ka yimaadeen dhanka degaanka Godwiil.

Xoogaga Ahlu Sunna ayaa lagu arkayey dhammaan xarumaha kala duwan ee Magaalada sida Saldhigga Booliska iyo Xarumaha Maamulka

Ciidamo boolis ahaa oo ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa ka baxay degmada Guriceel, iyadoo la xiray inta badan goobaha ganacsiga xiisada degmadu gashay awgeed

Goob joogayaal ayaa sheegaya in jidadka degmadaas ay isugu soo baxeen dadweyne tiro badan oo ku faraxsan in Ahlu Sunna ay dib ula wareegto Guriceel.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Xasan Sheekh ” Dowlad gacan adag dadka ku qabata waxa maanta jira ayaan ka dhaxalnay”

Cabdi Cade

Yaa Awood badan hadii dagaal dhaco Wadamada Pakistan iyo Hindiya (Halkan ka Ogow)

Cabdi Cade

Qoorqoor oo cafis u fidiyey Sarkaal Ahlu-sunna kala soo goostay qori dhashiike ah

Caydiid Ali