Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Qoorqoor oo cafis u fidiyey Sarkaal Ahlu-sunna kala soo goostay qori dhashiike ah

Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa cafis u fidiyay Dhamme Nuurdeeq Ali Abdi faarax oo ka tirsan Saraakiisha Nabadsugida Soomaaliya balse Ahlusunna u goostay, haatana mar kale dib ugu soo laabtay Galmudug.

Nuurdeeq ayaa xalay kala soo goostay Kooxda Ahlusunnada hubeysan ee uu ka tirsanaa qori dhashiike ah, waxaana Madaxwayne QoorQoor sarkaalkan uu ku amaaney go’aanka uu qaatey.

Qoorqoor ayaa amray  in sarkaalkan loo fasaxo mushaharkiisa.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa u balan qaaday in qof kasta oo Ahlusunna kala soo goosta hub loo fidinayo cafis.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Afar Musharax oo u gudbay wareega labaad iyo codeynta oo bilaabatay

Caydiid Ali

War cusub oo ka soo kordhay Shaqo joojintii maanta saameysay Garoonka Aadan cadde

Caydiid Ali

(Sawirro) Maxaa ka jira in Meydadka dad u dhintay COVID-19 lagu gubay Hargeysa?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---