Allbanaadir.com
NEWS

Maraykanka iyo Koonfur Kuuriya oo qaaday talaabo lagu raali gelinayo Kim Jong-un

Hogaamiyaha Kuuriyada woqooyi Kim Jong-un ayaa markii saddexaad sannadkan gudahiisa booqanaya dalka Shiinaha.

Kim ayaa ka dagay magaalada Beijing booqashadiisa ayaana imanaysa toddobaad ka dib markii uu dalka Singapore kulanka kula la qaatay madaxweyne Trump.

Mar sii horraysayna Wasaaradda difaaca ee Kuuriyada Koonfureed ayaa xaqiijisay in la baajiyay dhoolatus ay si wada jir ah u samayn lahaayeen milatarigooda iyo kuwa Maraykanka oo la qorsheeyay bisha Agoosto.

Madaxweyne Trump ayaa horey u balan-qaaday in ciidamadiisa ku sugan gacanka kuuriya ay joojin doonaan dhoolatuska milateri ee ay la sameeyaan ciidamada koonfurta Kuuriyada maadaama ay dhibsatay xukuumada Pyongyang.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada: Madaxweyne Farmaajo oo Dalacsiiyay Saraakiil Ciidan (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade

Villa Somalia oo ka jawaabtay eedeymo culus oo kaga yimid Maamulka Puntland

Caydiid Ali

Xog cusub oo laga helay wadahadalka Turkiga u furmaya Somalia iyo Itoobiya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---