Allbanaadir.com
NEWS

Diyaarad gaar ah oo saakay magaalada Muqdisho keentay Fahad Yaasiin

Waxaa saakay magaalada Muqdisho soo gaaray agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji hadana ah lataliyaha Amniga Qaranka Madaxweynaha Soomaaliya.

Sida aan wararka ku helnay Fahad Yaasiin waxaa saakay aroortii hore garoonka diyaaradaha Aadan Cadde keentay diyaarad gaar ah oo kasoo qaaday dalka Turkiga isaga iyo dhoor qof oo la socotay.

Ciidamo katirsan Nabad Sugida Soomaaliya ayaana kasoo qaaday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kuwaa oo u galbiyay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya oo lagu soo waramayo in uu hada joogo.,

Fahad Yaasiin oo lagu waday in jimcihii yimaado magaalada Muqdisho ayaa laga celiyay dalka Jabuuti oo transit kusoo maray isaga oo Muqdisho kusoo jeeday, waxaana xayiraada lagu sameeyay dhalisay hadal heyn kala duwan.

Taliyihii hore ee NISA ayaa ka qeyb galaya shirka Amniga Qaranka oo la filayo in Hay;adda NISA oo madaxdeeda lagu tuhmayo dilka Ikran Tahliil kusoo bandhigeyso xogta dilka gabadhaasi iyo sida loo afduubtay.

https://youtu.be/opOcRZ6l3aU

 

Related posts

Dagaal ka dhex qarxay dalalka India & Pakistan

Caydiid Ali

Musharaxiinta qaar oo shaki ka qaba qorshaha Qoor Qoor u yimid Muqdisho kana diiday..

Cabdi Cade

Ciidamo wata Gaari Dagaal oo dhac dad badan argagaxeen ka geestay Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---