Allbanaadir.com
NEWS

Rooble iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada oo kulan la qaatay Amina Jane (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay wafdi sare oo ka socday QM oo ay hoggaamineysay Ku-xigeenka Xoghayaha guud ee QM Amina Jane Momamed.
 
Kulanka oo ay ka qeyb galeen madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka, ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin horumarrada ka jira Soomaaliya, arrimaha doorashooyinka, amniga, horumarinta dhaqaalaha, iyo arrimaha bulshada.
Madaxda Dowlad goboleedyada qaar oo kulanka ka maqnaa ayaa uga qeyb galay aalada fogaan araga ee ZOOZ, waxaana kulanka intii uu socday lagu gorfeeyay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo qabsoomida doorasho raali laga yahay.
Booqashada Muqdisho ku timid Ku-xigeenka Xoghayaha guud ee QM Amina Jane Momamed ayaa kusoo aadaya xili khilaaf xoogan u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Rooble, lamana oga in khilaafkan kala hadashay labada masuul ay la kulantay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykanka oo saakay Weerar culus ku qaaday goob Al Shabaab ku sugnaayeen iyo khasaaro…

Cabdi Cade

Madaxweynihii ugu da’da weynaa dunida oo geeriyooday isagoo 95 sano jir ah

Caydiid Ali

(Daawo Video) Ra’iisul Wasaare Khayre oo booqday qaar kamid ah goobaha ay bushadu ku kulanto iyo xarumo ganacsi oo ku yaal Garowe !!

admin
Taboola Ads ---