Allbanaadir.com
NEWS

Askari weerar dad badan ku dhinteen ka geestay Thailand (Daawo Sawirada)

Askari u dhashay Thailand ayaa weerar askar iyo dad kale oo shacab ah ku dhinteen ka fuliyay magaalada Nakhon Ratchasima, waxaana socda howlgal lagu baadi goobayo askariga weerarka qaaday.

Wakalaada wararka ayaa ku waramaya in askariga oo lagu magacaabo Jakraphanth Thomma uu toogtay sargaal taliye u ahaa iyo labo askari kale, waxa uuna markaa kadib toogasho ka bilaabay xarumo ganacsi iyo macbad.

Weerarkan ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen 12-ruux ay ku jiraan askar, waxaa sidoo kale jira dad kale oo dhaawacyo kasoo gaareen weerarkan oo wali ciidamada amaanka aysan soo afjarin.

Askariga weerarka geestay ayaana baraha bulshada soo dhigayay sawirro uu iska qaaday iyo hubka uu adeegsanayay, waxaa sidoo kale muuqaalo la duubay laga arkayay sida uu u dhacay weerarkan.

Warbaahinta ayaa sidoo kale soo bandhigtay sawirro laga soo qaaday dad meelo kala duwan uga dhuumanaya askariga weerarka toogashada ah ka geesanayay magaalada Nakhon Ratchasima

Related posts

Miisaaniyada Ciidamada iyo sidii loo horumarin lahaa oo laga shiray (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Puntland oo soo iibsatay diyaarado nuuca dagaalka ah

Cabdi Cade

Maxkamadda Ciidamada DF oo xukun adag ku riday dagaalyahan ka tirsanaa Daacish

Caydiid Ali
Taboola Ads ---