Madaxweyne Ashraf Qaani oo la baxsaday gaadiid lacago badan laga buuxiyay

Madaxweynihii dalka Afganistan Ashraf Qaani, ayaa ka baxsaday magaalada Kabul ee caasimada dalka Afgaanistan kadib markii kooxda hubeesan ee Daalibaan weerar kuoo qaadeen caasimada Kabul.

Warar soo baxaya ayna baahinayaan warbaahinta caalamka qaarkood ayaa sheegaya in Madaxweynihii Afganistan Ashraf Qaani la baxsaday lacag aad u badan oo taalay madaxtooyada kahor inta uusan cararin.

Lacagta uu la baxsaday Madaxweyne Qaani oo kaash aheyd ayaa la sheegay in lagu raray dhoor gaari oo Madaxtooyada laheyd, waxaana qaar kamid ah lacagtaasi la sheegay in ay ku daateen garoonka diyaaradaha gaar ahaan dhabaha ay diyaaradaha ku ordaan.

Afhayeenka Safaaradda Raashiya ee magaalada Kabul, Nikitaa Ishenko ayaa warbaahinta u sheegay in gaadiidku Ashraf Qaani gelbinaysay markii uu ka baxayey Kaabul inay ahaayeen kuwo laga buuxiyey Lacago Kaash ah oo dalka kala baxsaday.

Madaxweynaha dalka Afganistan ay wehliyaan qoyskiisa iyo masuuliyiin kale oo aad ugu dhawaa ayaa ku qasbanaaday in ay isaga cararaan dalkaasi kadib markii Daalibaan hareereeyeen Casaimada Kabul ugu dambeyn si buuxda ula wareegeen magaaladaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -