Somaliland oo si kulul uga jawaabtay hadal ka soo yeeray dowlada Somalia

Wasiirka Wasaarada warfaafinta Maamulka Somaliland Max’ed Muuse Diiriye oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu ka jawaabay hadal ka soo yeeray Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka qaranka Soomaaliyeed Xaliimo Yarey kaasoo ahaa in Somaliland  ay qeyb ka noqon doonto doorashooyinka qof iyo codka ah ee Somalia ka dhici doona.

Maxamed Muuse Diiriye ayaa nasiib darro ku tilmaamay warka soo baxay Guddiga Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya, isagoo xusay inuu yahay mid aan loo meel dayin oo aan xikmad laheyn.

Waxaa uu sheegay in Somaliland ay tahay dal madax banaan oo ay ka jirto dimoqraadiyad buuxda oo dadweynuhu ay soo doortaan madaxda hogaamisa, Somalia inteeda kalena aysan weli heerkaas soo gaarin

Sidoo kale Waxaa uu wasiirka qoomamo ka muujiyay Wadahadaladii ay la galeen Soomaaliya oo uu sheegay iney ahaayeen kuwo aan faaiido laheyn.

Xaliimo Ismaaciil(Xaliimo Yareey) aya  sheegtay in Somaliland ay qeyb ka tahay doorashada la filayo in sanadka 2021 ka dhacaan Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -