Xiriirka Israel iyo Imaaraadka oo Hal arin darteed qarka u saaran in uu xumaado

Heshiis shidaal oo qarsoodi ah, oo sanadkii hore ay galeen Israel iyo Imaaraadka Carabta, kaasi oo qeyb ka ahaa soo celinta xiriirka labada dal, ayaa hadda halis ugu jira inuu burburo.

Heshiiska ayaa ku saabsan dhuun shidaalka kasoo qaadeysa Imaaraadka, islamarkaana marsiineysa xeebta Eilat ee Israel, si ay u geyso suuqyada Yurub.

Hase yeeshee, heshiiska oo markii hore loo arkay inuu xoojin karo xiriirka diblomaasi ee curdunka ah ee labada dal, sarena u qaadi karo himilooyinka tamar ee Israel, ayaa hadda su’aal ay ka taagan tahay kadib markii dowladda cusub ee Israel ay dib u eegis ku billowday.

Go’aankan ayaa ka carreysiiyey maal-gashtayaasha, wuxuuna horseedi karaa khilaaf diblomaasi oo ka dhex-qarxa labadan dal.

Heshiiska oo ay wada-galeen shirkadda dhuumaha shidaalka ee loo yaqaan EAPC oo ay leedahay dowladda Israel iyo shirkadda MED-RED Land Bridge, oo ay wada aas-aaseen Imaaraadka iyo Israel ayaa waxaa ku hareereysan sir badan.

Saraakiil sare oo ka tirsanaa xafiiska ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu, oo ay ku ku jiraan wasiiradiisii tamarata, kan arrimaha dibedda iyo kan deegaanka ayaa sheegay inaysan waxba kala socon heshiiska kahor inta aan lagu shaacin bishii September ee sanadkii tegay, markaasi oo Imaaraadka Carabta iyo Israel ay heshiiska diblomaasi ku galeen Aqalka Cad.

Shirkadda EAPC, oo ay leedahay dowladda Israel, ayaa waxaa la aas-aasay lixdamaadkii si ay shidaalka Iran u keento Israel, xilligaas oo labada dal ay saaxiibo ahaayeen.

Shaqooyinka shirkaddan ayaa inta badan ah kuwa sir ah, sababo amni dartood.

Kooxaha u ololeeya ilaalinta deegaanka ee Israel ayaa weydiistay maxkamadda sare ee dalka inay hakiso in dhuumo shidaal la mariyo xeebta Eilat, ayaga oo u sababeeyey diiwaanka badbaado ee EAPC iyo halis ku iman karta kheyraadba badda Eilat.

Israel ayaa muddo la’eyd kheyraad dabiici ah, hase yeeshee waxay taasi isbedeshay markii 2009 la ogaaday gaas badan oo dabiici ah oo ku jira badda Meditareeniyaanka ee Israel.

Heshiiska Imaaraadka Carabta, ayaa wuxuu sii ballaarin lahaa qeybta tamarta Israel, ayada oo shidaalka Imaaraadka la marinayo xeebaha Eilat iyo Ashkelon kahor inta aan la geyn suuqyada Yurub.

Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda ra’iisul wasaare Naftali Bennet ayaa weydiistay maxkamadda sare ee Israel waqti dheeri ah oo ay uga jawaabaan cabqadaha deegaan ee hareeyey heshiiska.

Wasiirka cusub ee deegaanka ee Israel Tamar Zandberg ayaa ballan-qaaday inay baabi’in doonto heshiiska, waxayna wasaaradeeda hakisay ballaarinta howlgallada shirkadda EAPC, illaa xukuumadda ay go’aan ka gaareyso.

“Gacanka Eilat wuxuu halis ugu jiraa dhuunta shidaal ee Med-Red, islamarkaana qaranka Israel uma baahna inuu nuqdo buundo shidaalka loo mariyo dalal kale,” ayey tiri Tamar markii ay xafiiska la wareegtay bishii June.

Xafiiskeeda ayaa diiday codsi wareysi oo ay u dirtay AP.

Shirkadda EAPC ayaa ku gacan seertay welwelka xagga deegaanka ah, oo ay ku sheegtay kuwa aan sal laheyn.

Shirkadda iyo sidoo kale saraakiisha Imaaraadka Carabta ayaa diiday codsi wareysi oo ay dirtay AP.

Si kastaba, wargeyska maalinlaha ee Israel ee ku baqxa luuqadda Herew-ga, Israel Hayom ayaa dhowaan kasoo xigtay saraakiil aan la magacaabin oo Imaaraati ah inay sheegeen in baabi’inta heshiiska “uu si cad u jebinayo” heshiisyada diblomaasi ee ay gaareen labada dal, uuna halis gelin karo xiriirkooda.

Source-Voa

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -