Seynab Xaabsey: “Haweenka Soomaaliyeed waxay guulo ka gaareen hogaaminta Bulshada”

Kulan looga hadlayey doorka ay haweenku ku leeyihiin siyaasada iyo doorashooyinka ka socda dalka, ayna ka qeyb galeen qaar ka mid ah haweenka ku dhaqan degaanada Galmudug ayaa lagu qabtay magaalada Gaalkacyo.

Waxaa soo qaban qaabiyey kulankan Machadka Dimoqraadiyada iyo doorashooyinka Afrika EISA iyo heyadda SYPA ayaa diirada lagu soo saaray sida ugu haboon ee haweenku ku xaqiijin karaan doorkooda Siyaasadeed iyo ilaalinta qoondada haweenka ee labada aqal ee baarlamanka iyo qaar kale.

Gudoomiyaha degmada Warta nabada ee gobolka Banaadir Saynab Maxamed Xaabsey oo lagu casuumay kulankan ayaa ka warantay kaalinta looga baahan yahay haweenku iney ka qaataan horumarinta bulshada.

“Haweenku kaliya maaha iney ka qeyb qaadanayaan siyaasada iyo doorashooyinka ee waxay kaloo kaalin muhiim ah kaga jiraan houmarinta dalka, hadaan nahay haweenka Soomaaliyeed ee ka soo jeeda gobolkan waxaan ugu baaqeynaa maamulada halkan ka jira in la xaqiijiyo metelaada haweenka”  ayey tiri Saynab Maxamed Xaabsey oo sidoo kale ah musharax u taagan doorashada kursi ka mid ah aqalka hoose ee baarlamanka dalka.

Saynab Maxamed Xaabsey ayaa intaas ku dartay in haweenka Soomaaliyeed la soo tijaabiyey ayna guulo ka gaareen hogaaminta iyo horumarka bushadooda, waxayna xustay in habka ay ka socdaan doorashooyinka loo baahan yahay inuu noqdo mid xaqiijiya qoondada haweenka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -