Allbanaadir.com
NEWS

Raisul Wasaare Rooble oo goordhaw la kulmay Saraakiisha Amaanka amarna siiyay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada federaalka Soomaaliya Mohamed Hussein Rooble ayaa goordhaw kulan deg deg ah la qaatay laamaha amniga gaar ahaan saraakiisha ciidanka booliiska .
 
Rooble ayaana saraakiisha amaanka uu la kulmay  gudaha garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ku faray ka shaqeynta xoojinta amniga guud ee waddanka gaar ahaan caasimadda Muqdisho .
 
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale saraakiisha amaanka kula dar dardaarmay in ay xil gaar ah iska saaraan sugidda amniga doorashooyinka qeybo kamid ah dalka ka bilowday.
 
Kulankan ayaa imaanaya xili Ra’isul Wasaare Rooble la filayo in goordhaw dalka ka dhoofo isaga oo ku sii jeeda magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya uu booqasho rasmi ah ku tagayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Masjid Taariikhi ah oo lagu bur buriyay Gobolka Amxaarada iyo Muslimiinta oo ka carootay

Cabdi Cade

Madaafiic lagu Weeraray xarunta AMISOM ee Xalane & Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

Musharaxiinta Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay Gudoomiye Max’ed Nuur Gacal (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---