Dadaalo xal loogu raadinayo Doorashada Gudoonka Guddiga Doorashada Somaliland oo socda

Waxaa saakay magaalada Muqdisho ka socda dadaalo xoogan oo xal loogu raadinayo khilaafka ka dhashay doorashada guddoonka guddiga doorashada gobolada Waqooyi ee Somaliland oo maanta lagu wado in ay ka dhacdo teendhada Afisiyooni.

Guddiga doorashada gobolada Waqooyi ayaa labo garab u kala jabay kuwaa oo kala taageersan Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka federaalka iyo Ra’isul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo horey u baabiyay doorashadii gudoonka Guddiga doorashada gobolada Waqooyi ayaa go’aamiyay in doorasho daah furan ka dhacdo xerada Afisiyooni ayna xubnaha guddiga iska doortaan gudoon.

Sida aan xogta ku helnay Dadaalada la wado ayaa ka mid ah in labada dhinac ay kala qaataan Guddoomiye iyo Kuxigeen, inkastoo aan weli si rasmi ah arintaasi la isugu raacin ayna aqbalin dhinacyada is haya.

Xubnaha guddiga doorashada Gobolada Waqooyi ee ka yimid dhinaca Gudoomiyaha Aqalka Sare oo gaaraya 4-xubnood ayaa diiday in dooarshada ka qeyb galaan, xubnahan ayaana ogsoon in doorashada looga guuleesanayo maadaama laga tiro badan yahay.

Waxaa suurto gal ah in doorashada guddigan lagu xaliyo qaab hoose ayna kala qaataan gudoomiyaha guddiga iyo kuxigeenkiisa, si meesha looga saaro khilaafka regaadiyay guddiga doorashada gobolada Waqooyi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -