Fadeexad lasoo daristay Andrew Cuomo iyo Madaxweyne Biden oo ugu baaqay in uu is casilo

Guddoomiyaha gobolka New York Andrew Cuomo, ayaa waxaa lasoo darsay fadeexad xun oo sababtay in lagu cadaadiyo in xilka baneeyo, waxaana fadeexada masuulkan lasoo daristay si weyn u hadal haya Warbaahinta Mareykanka.

Xeer-ilaaliyaha Guud ee gobolka New York Latitisa James, ayaa ku heshay Andrew Cuomo, in uu faraxumeyn u geystay dumar ay shaqo wadaag ahaayeen, waxa ayna fadeexadan dhalisay buuq siyaasadeed.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa ugu baaqan Gudoomiyaha Gobolka  New York Cuomo inuu is casilo, waxaa sidoo kale baaqan oo kale Gudoomiyaha u diray masuuliyiin iyo xubno kale oo katirsan Xisbiga Dimoqraadiga.

Guddoomiyaha gobolka New York Andrew Cuomo, ayaa iska diiday eedeymaha la xariira in uu faraxumeyn u geestay dumar, waxa uuna mid aan waxbo ka jirin oo xaqiiqada ka fog ku tilmaamay warbixinta kasoo baxday Xeer ilaalinta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -