Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Musharaxiinta Aqalka sare ee K/Galbeed oo la siiyey shahaadada diiwaan gelinta

Guddiga Maamulka doorashada dawlad goboleedka Koonfur galbeed waxaa uu maanta guddoonsiiyey shahaadada Musharaxnimada tartanka Aqalka sare 10 xubnood oo ku tartamaya 5 kursi oo ka mid ah 8 kursi oo Koonfur galbeed ku leedahay aqalka sare.

Xubnahan oo uu soo magacaabay Madaxweyne Laftagareen ayaa buuxiyey shuruudaha looga baahan yahay Musharaxiinta Aqalka sare.

Labo kamid ah kursiyadan loo tartamaya ee doorashada Aqalka Sare ee Koonfur Galbeed waxaa loo xiray afar dumar ah oo ku tartami doono.

Maalinta beri ah ayaa lagu wadaa iney ka bilaabato Magaalada Baydhabo doorashada xubnaha aqalka sare ee baarlamanka Somalia ku metelaya Koonfur galbeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xassan Shiikh oo bogaadiyey Guulaha ay gaareen ciidanka Puntland

Caydiid Ali

Milateriga difaacyada kaga jira Baraawe oo ku biiray ciidamada gadoodsan (Daawo Video)

Caydiid Ali

Akhriso Magacyada iyo Qabiilada :Guddiga madaxa banaan ee la-dagaallanka Musuq-maasuqa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---