Soomaaliya Xaq Ma u Leedahay Inay Diido Soo Jeedinta Midowga Afrika ee Hawlgalka AMISOM?

Waqtiga hawlgalka AMISOM oo ku dhow gabagabo ayaa muran abuuray. Talaadadii July 13, 2021 ayaa dalalka Burundi, Itoobbiya, Jabuuti, Kenya, iyo Uganda oo ay ciidammo ka joogaan Soomaaliya muujiyeen inaysan diyaar u ahayn ka bixidda Soomaaliya, inkastoo Qaramada Midoobay ay cayintay inay gebi ahaanba baxaan December 31, 2021.

Mudnaanta kowaad ee Qaramada Midoobay (QM) ayaa ah in mas’uuliyadda amniga lagu wareejiyo ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), balse Midowga Afrika ayaa damacsan qorshe taas ka duwan.

Ururka oo wajahaya dhaqaale xumo ka dhalatay isbeddel Midowga Yurub uu ku soo rogay hawlgallada nabad ilaalinta qaaradda ayaa soo jeediyay qodobo u muuqda seetadheerayn si uusan u lumin doorkiisa,  dhaqaalena loogu helo AMISOM.

Balse seddax ka mid ah afarta talo ee Midowga Afrika soo jeediyay ay lagu badbaadinayaa hawlgalka AMISOM. Soomaaliya oo ka walwalsan in duulaan lagu yahay qaranimadeeda ayaa diiday talo soojeedintii Midowga Afrika.

Dib uga gurashadii muddo kordhintii Golaha Shacabka ee Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa bilow u noqotay horumar cusub:

(1) Waxaa lagu guulaystay in la xalliyo is-afgarad la’aantii u dhexeysay maamul-goboleedyada qaarkood iyo DFS iyadoo lagu heshiiyey in doorashada lagu qabto 60 maalmood gudahood;

(2) Al-Shabaab, oo khatar ku ah amniga, ayaa waanwaan meel wanaagsan maraysa lala furay; iyo

Dalalka Britain (UK), Eritrea, Mareykan, iyo Turki oo ciidamo taya leh u tababaro Soomaaliya ayaa isku darka dufcooyinka kor u dhaafayaan 18 kun askari sanadka dhammaadkiisa, taas oo sahlaysa la wareegga mas’uuliyadda amniga dalka.

Dalalka Afrika oo ay ciidammo ka joogaan Soomaaliya ayaad mooddaa inay dantooda ku jirto in hawlgalka AMISOM uu noqdo mashuuca joogta ah, taasoo iyaga ugu jirta dheef dhaqaale, helitaan khibrad ciidamo, guul siyasadeed iyo magacba.

Wax 2007kii ku bilaabmay 1,650 nabad ilaaliyeyaal ayaa isku rogay 22,000 askari. Hawlgalkii AMISOM waa midka ugu qaaliga badanaa (+ $2 bilyan), uguna dheeraa taariikhda Midowga Afrika.

Dabcan dal ciidan shisheeye dul fadhiyaan ma noqdo qaran buuxa. Taas ayaa saldhig u ah diidmada u seetadheereynta hawlgal aan 14 sanadood ka soo hooyn argagixisada guul lagu naaloodo. DFS oo fasaxeeda keliya AMISOM ku joogi karto dalka ayey u xaqiiqowday in cudud aan teeda ahayn amni u soo hooyn karin Soomaaliya.

Wax tarka AMISOM ayaa had iyo jeer waxaa ka taagnaa su’aal gaar ahaan markii Kenya, oo Soomaaliya ku soo gashay xoog (military occupation) lagu biiriyay hawlgal u sharciyeynayay xadgudubkeeda.

Dhinaca kale, Midowga Yurub oo bixiya gunnoyinka ciidamada AMISOM ayaa hoos u dhigay lacagta la siiyo askarta kaddib markii duruufaha ka jira adduunka (Covid-19,  iwm) ay saameyeen dhaqaaalahooda. Haseyeeshee, tilaabadaas kama turjumeyso isbeddel siyaasaddeed oo u daneynaya Soomaaliya.

Janan Maxamed Cali Sharmaan oo wareysi siiyey Jamhuriyadda kana mid ahaa saraakiihii dhistay ciidamada Xoogga Dalka (1960) ayaa hore u yiri, “Reer Galbeedku [Midowga Yurub] marnaba ma dooneyn in Soomaaliya yeelato ciidan cudud leh” (Jamhuriyadda 11/04/2020).

Waxaase horumar togan u muuqdo war laga soo xigtay Agaasimihii hore ee Golaha Amniga ee Mareykanka oo sheegaya in “Mareykanka uu awood u leeyahay inuu dhiso isbahaysi uu kula shaqeeyo Turkiga, Imaaraadka, Faransiiska iyo dalal kaleba si loo hormariyo [Soomaaliya]” (NIKKEI ASIA 7/7/2021).

Haseyeeshee, shacabka Soomaaliya wuxuu isweydiinayaa sababaha loo joogtaynayo mashruuca AMISOM haddii ciidammada dalka ay muujiyeen sanadahaan dambe inay ka qaban karaan aragaggaxisada hawl ka wanaagsan midda ciidamada AMISOM, balse u baahan yihiin inay helaan hub tayo leh iyo mushaar joogta ah.

Su’aal kaloo meesha ku jirta ayaa ah, muxuu Maraykanka u lulay calanka diidmada qayaxan si uu u muujiyo inuusan oggoolaanayn in cunaqabataynta hubka laga qaado Soomaaliya waqtigan? Ma xasillonida Geeska iyo Bariga Afrika keliyaa mise waa digniin ku socoto Shiinaha, Ruushka iyo Turkiga inaysan usoo xaluulan Geeska Afrika?

W/Q Cabdulqaadir Cariif Qaasim

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -