(Akhriso) Galmudug oo faahfaahisay duqeyn ay fuliyeen Ciidamada Maraykanka

Wasaarada amniga Galmudug ayaa faahfaahin ka bixisay khasaaraha ka dhashay duqeyn ay saaka Ciidamada Maraykanka u geysteen fariisin ay Al-shabaab ku laheyd degaanka Qeycad oo sidoo kale ay saaka ka dhaceen dagaalo.

WAR-SAXAAFADEED

Ciidamada Qaranka iyo kuwa Galmudug ayaa saakay weerarro hor leh ku qaaday fariisimaha argagixisada ee aagga Qaycad, ayadoo dagaalka maantay ay qeyb ka ahaayeen diyaaradaha duqaynta geysta ee Ciidamada maraykanka oo gantaal la helay fariisinka qaar ka mid ah amiirada sare ee kooxda Shabaab.

Ilo Alshabaab dhexdooda iyo dadka deegaanka laga helayo ayaa tilmaamaya in ugu yaraan 50 ka mid ah madaxda iyo maleeshiyaadka argagixisada Shabaab ay halkaas ku la’deen, dhaawacooduna uu kor u dhaafayo 80.

Dadka argagixisada ee duqaynta ku dhintay ayaa la sheegayaa in ay ku jiraan saddex nin oo ajnabi argagixiso ahaa kuwaasoo la sheegay in ay ahaayeen xeeldheerayaal dhanka qaraxyada iyo dagaalada ku dhufoo ka dhaqaaqda ah ee kooxaha argagixisadu ay adeegsadaan.

Dagaalka ay wadaan ciidamada xaq u dirirka ah ayaa sii xoogaysanaya, waxaana muuqata in hadda ay ku soo biireen saaxiibada Soomaaliya gaar ahaan Maraykanka.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -