Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dagaaladii ka socday gobolka Tigray ee dalka Itoobiya oo weji cusub yeeshay

Jabhadda gobolka Tigray ee Ethiopia ayaa fuliyey holwgallo ka dhan ah ciidamo taageersan dowladda oo ku sugan gobolka deriska ah ee Cafarta, waxaa sidaas Axaddii sheegay afhayeen u hadlay, taasi oo furtay furrin cusub oo dagaal.

Afhayeenka TPLF Getachew Reda ayaa AFP u sheegay in howlhgalkaas oo ahaa mid kooban, lala beegsaday ciidamo si gaar ah u tababaran iyo maleeshiyo kasoo jeeda gobolka Oromia oo isku urursanayey xuddda Tigray iyo Cafar.

“Waxaan tallaabooyinkan u qaadnay si aan u xaqiijino in ciidamadaas dib loogu celiyo gobolka Oromia, waana ku guuleysanay middaas,” ayuu yiri Getachew, oo intaas ku daray inuu jiray khasaare, balse uusan sheegi karin tirada.

“Howlgalkeena wuxuu ahaa mid aad u kooban, oo lagu kala eryeyey maleeshiyo cayayaan ah oo ka yimid Oromia oo badankood lagu qasbay dagaalkan aan macnaha laheyn.”

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo dhowr ka mid ah maamullada dalka Ethiopia ay sheegeen inay ku biirayaan dagaalka, si ay gacan u siiyaan ciidamada dowladda. Maamulka Afar kama mid ah maamullada sidaas sheegay.

Warbaahinta dowladda Ethiopia ayaa shalay daabacday bayaan ku eedeeyey TPLF inay is-hortaageen gargaarka loo wado gobolka ee la marsiinayo gobolka Cafarta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirka Maaliyadda oo Arrimo Soomaaliya dan u ah kala hadlay madax kala duwan

Cabdi Cade

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Xassan Shiikh & Kristalina Georgieva? (Sawirro)

Caydiid Ali

Sargaal katirsanaa ciidanka Nabad sugida Soomaaliya oo gaadmo lagu dilay

admin
Taboola Ads ---