Muwaadin Soomaaliyeed oo la jir-dilay, kadibna Badda lagu dhax tuuray

Muwaadin Soomaaliyeed oo kunool magaalada Gozo ee Jaziirads Malta ayaa loo geestay jirdil xoogan waxaana kadib lagu tuuray Badda u dhow Dekedda Mġarr ee magaalladda GOZO ee Jesiiradda Malta.

Falkan waxaa u geestay muwaadinkan Soomaaliyeed koox burcad ah ,waxaana dhacdadan lagu baahiyay baraha nulshada, gaar ahaan Facebok , waxaana tacadigaasi lala xiriiriyay Weerarada ku salaysan Cunsuriyadda ee ay la kulmaan Qaxootiga Afrikaanka ee ku nool Jesiiradda Malta.

Warbaahinta Malta ayaa sheegtay in Muwaadinka Soomaaliga oo aan magaciisa la shaacinin jir-dil loo geestay kadib badda lagu tuuray waxa uuna wajiga ku dhufsaday dooni taa uu dhaawac kale kasoo gaaray.

Ninka Soomaaliga markii uu ka soo dabaashay Badda ayuu weydiiyey Burcadii garaacday sababta ay isaga ula dhaqmayaan sidii Eeyda oo kale.

Boliska Malta waxay xaqiijiyeen in lagu soo wargeliyey dhacdadaasi iyo inay gacanta ku dhigeen 2 Nin oo mid u dhashay Malta iyo nin kale oo Shisheeye ah, kuwaasi oo lagu soo oogi doono dhibaataynta Muwaadinka Soomaaliga.

Afhayeen u hadlay Boliska ayaa sheegay in mid ka mid ah dhinacyadaasi lagu eedeynayo inuu Ninka Soomaaliga ku tuuray Badda iyo inay soo dhaawacyo Fudud soo gaareen.

Dhinaca kale, Qoraal la soo dhigay Barta Facebook ayaa lagu muujiyey inuu Muwaadinka Soomaalida u dhiman lahaa Xadgudubkaasi, waxayna ku baaqeen in la joojiyo Tacadiyada iyo Arxan-darada loo qabo dadyowga kala duwn, taasi oo gaartay heerkii ugu sareeyey ee ay dadka qaarkooda ku farxaan Falalka Awood-sheegashada.

 

- Advertisement -