Dad ay ku jiraan Soomaali oo ku dhintay rabshadaha ka socda dalka Koonfur Afrika (Sawirro)

Ugu yaraan 45 qof oo ay ku jiraan afar Soomaali ah ayaa ku dhimatay rabashadaha ka socda dalka Koonfur Afrika ee ka dhashay xabsi u taxaabidda Madaxweynihi hore ee dalkaasi Jacob Zuma.

Dadkaasi waxaa ka mid ah 10 qof oo ku dhimatay isbuurasho ka dhacday xilli la boobayey goob ganacsi oo aad u weyn oo ku taalla Soweto.

Ugu yaraan 800 oo qof oo rabshadahaasi qayb ka ahaa ayey booliska xirxireen. Milatariga dalkaasi ayaa la howlgeliyey si ay booliska uga caawiyaan xasilinta dalkaasi.

Madaxweynaha Koonfur Africa Cyril Ramaphosa ayaa rabshadaha socda ku tilmaamay kii ugu xumaa oo abid soo maro dalkiisa tani iyo 1990-yadi.

Ramaphosa ayaa ugu baaqay dadka inay is dejiyaan kana hortagaan rabshadaha, iyadoo laga jawaabayo qalalaasaha ay dadka badan ku dhinteen ee ka dhashay xariga Madaxweynihii hore, Jacob Zuma.

Wasiirka booliska dalka Koonfur Afrika Bheki Cele, oo digniin u diray dibadbaxayaasha.ayaa sheegay iney joojiyaan falalka sharci darrada ah ee ay ka wadaan dalkaasi haddii kale ay cawaaqib xumo la kulmayaan.

Waxaa la dhacay Dukaamo fara badan halka dhismooyiin dab la qabadsiiyay. Ciidamada ayaa la geeyay gobolka Gauteng, iyo gobolka uu ka soo jeedo Zuma ee KwaZulu-Natal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -