Kooxdii ka dambeesay dilka Madaxweynaha dalka Haiti oo sir cusub laga helay

Koox calooshood u shaqeestayaal u dhashay dalalka Colombia iyo Haiti ayaa fuliyay dil loo geestay Madaxweynihii dalka Haiti Jovenel Moise, kooxdan dilka geesatay ayaaan inta badan gacanta lagu dhigay kuna xiran xabsi si gaar ah loo ilaalinayo.

Baarayaal gacanta ku haya kiiska dilka loo geestay Madaxweynaha dalka Haiti ayaa wareesiyo ka qaaday kooxdii fulisay dilka Madaxweynaha , waxa ayna kooxdan bixiyeen siro ku aadan ujeedka ay u weerareen Madaxweyne Moise.

Kooxda dilka geesatay ayaa u sheegay baarayaasha in ujeedkooda uusan aheyn in ay dilaan Madaxweyne Jovenel Moise, balse doonayeen in ay soo xiraan , waxa ayna xuseen in markii qorshahoodii hore fashilmay kadib ay toogteen Madaxweynaha.

Calooshood u shaqeestayaasha fuliyay dilka Madaxweynaha dalka Haiti ayaa qaarkood  sheegeen in qorshahoodu ahaa inay soo xiraan Moise oo ay u qaadaan xarunta madaxtooyada dalka Haiti.

Wali lama ogaan ujeedka ka dambeeya in kooxdan dilaan Madaxweynaha dalka Haiti, sidoo kale lama oga wali cida soo qorsheesay dilkan iyo ujeedka ay ka lahaayeen, waxaana wali socda baaritaano xoogan oo ku aadan dilka Madaxweynaha Haiti.

Dilka Madaxweynaha dalka Haiti waxaa fuliyay 28-nin oo 26-kamid ah kasoo jeedaan dalka Colombia halka labada kala ahaayeen labo nin oo u dhalatay dalka Haiti balse heesta dhalashada dalka Mareykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -