Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir hore oo loo doortay Gudoomiyaha KMG ee guddiga xalinta Khilaafaadka Doorashada

Guddiga xalinta khilaafaadka doorashada ee heer federaal ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxa ay ku doorteen Gudoomiye KMG ah , waxaana loo doortay shaqsigii ugu da’da weynaa xubnaha guddigaasi.

Gudoomiyaha KMG ee guddiga xalinta khilaafaadka doorashada ayaa loo doortay siyaasiga Cabbdullaahi Abyan Nuur oo marar kala duwan wasiir kasoo noqday Xukuumadii kala duwanaa ee dalka soo maray.

Guddiga xalinta Khilaafaadka heer federaal ayaana la filayaa in si rasmi ah u doortaan gudoomiye iyo kuxigeen hogaamiya, waxaana  guddigan guda gali doonaan howlaha loo igmaday iyaga oona aadi doona maamul goboleedyada.

Doorashda Soomaaliya ayaana lagu wadaa in dhawaan si rasmi ah uga bilaabato maamul goboleedyada dalka, waxaana la diyaariyay habraaca iyo jadwalka doorashada Xildhibaanada labada aqal ,Gudoonka Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia oo shaacisay duqeyn lagu dilay Saraakiil ka tirsan Al-shabaab

Caydiid Ali

Kala furfur lagu bilaabay ciidanka PSF iyo Wararkii ugu dambeeyey xaalada Boosaaso

Caydiid Ali

Ugaaska Xawaadle oo maanta lagu caleemo saaray degaan ka tirsan Hiiraan (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---