Allbanaadir.com
NEWS

Maxaa ka jira in Al-Shabaab 80 dagaalyahan looga dilay howlgalo ka dhacay gobolka Hiiraan?

Taliyaha Guutada 52aad ee Ciidamada Xoogga dalka ee gobolka Hiiraan ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgal ciidamada dowladdu ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolkaas.

Jen. Maxamed Axmed (Tredisho) ayaa sheegay in howlgalladii ugu dambeeyey ay ciidamada dowladda ka sameeyeen tuulooyin hoostaga degmada Moqakori ay ku dileen 80 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

“Mudo Afar Bilood ah oo ciidamada Qaranku howlgal ka wadeen degmada Moqakori iyo tuulooyinka hoostaga, iyagoo ka jawaabayey amarkii madaxweynaha,runtii guulo waaweyn ayaan ka gaaarnay,laakiin xeelad dagaal ayaana uga soo baxnay degmada Moqakori” ayuu yiri Taliye Tareedisho.

Taliyaha  ayaa sheegay in ay guulo ka gaareen howlgallo ay ka sameeyeen Gobolka Hiiraan  inkastoo degmada Moqakori noqotay mid ay isku bed-bedelaan gacan ku heynteeda Al-Shabaab iyo Ciidanka dowladda.

Ma jiraan warar madax banaan oo xaqijiyana ama beeninaya hadalka Jen. Maxamed Axmed (Tredisho) uu ku sheegay iney al-shabaab ka dileen 80 dagaalyahan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Aadan Madoobe oo magacaabay xubnaha Golaha Shacabka ku matelaya Baarlamaannada Africa, Carribean iyo…

Cabdi Cade

Hogaamiyaal Caan ah oo la jabsaday Telfoonadooda iyo Barnaamijka-ka loo adeegsaday oo La ogaaday

Cabdi Cade

Duqa magaalada Muqdisho oo Hanjabaad culus hawada marsiiyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---