Midowga Musharaxiinta oo kala fur furtay iyo Olole cusub oo ka bilowday Muqdisho

Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ay ku mideesnaayeen qaar kamid ah musharaxiinta ugu saameynta badan ee u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliiya ayaa hada bilaabay in ay kala fur furtaan.

Musharaxiintan oo ahaa mucaarad kasoo horjeeda in mar kale talada dalka loo doorto Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo ayaa hada bilaabay in ay si hoose u kala fur furtaan mid walbana olole gooni ah bilaabay.

Golaha Musharaxiinta mucaaradka ayaa waxii ka dambeeyay markii laga heshiiyay doorashada ayaa waxaa yaraaday kulamadii ay yaalan jireen iyo sidoo kale qoraaladii joogtada ahaa ay soo saari jireen.

Sida aan xogta ku helnay musharaxiin ay ku jiraan Sheekh Shariif, Xasan Sheekh  iyo Kheyre ayaa si hoose uga furtay musharaxiinta kale, waxa ayna sadaxdan musharax mid kasta bilaabay olole hoose ay ugu diyaar garoobayaan doorashada.

Waxaa sidoo kale jira musharaxiinta qaar in si hoose xiriir u yeesheen kana wada shaqeenayaan sidii Xildhibaano  iyaga taabacasn usoo saaran lahaayeen si ay hadhaw isbaheesi u sameestaan codkana u siiyaan kii doorashada codadka ugu badan hela.

Musharaxiintan qaarkood ayaa hadaba ku guuleestay in xubno muhiim ah ku darsadaan guddiyada doorashada , waxa ay sidoo kale musharaxiintan qaarkood bilaabeen in ay sii diyaariyaan xubno ay doonayaan in ay kamid noqdaan Baarlamaanka cusub.

Dadka siyaasada falanqeeya ayaa aaminsan in Musharaxiintan ku mideesnaa in meesha laga saaro Farmaajo kala tagayaan ugu dambeyna isku soo laaban doonaan inta ugu muhiimsan marka doorashada la gaaro si ay mar kale ugu midoobaan in Farmaajo la saaro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -