Banaan bax looga soo horjeeday Al Shabaab oo maanta la dhigay (Daawo Sawirada)

Waxaa maanta Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee maamulka Galmudug ka dhacay banaan bax balaaran oo looga soo horjeeday kooxda Al Shabaab ee dagaalka ka wada qeybo kamid ah gobolka Mudug.

Shacabka ku dhaqan magaalada Gaalkacyo ayaa isugu soo baxay banaan baxan looga soo horjeeday Al Shabaab , waxa ayna banaan baxayaasha wadeen boorar ay ku qornaayeen ereyo ka dhan ah Al Shabaab.

Masuuliyiin katirsan maamulka Mudug iyo kan Gaalkacyo oo la hadlay shacabka banaan baxa isugu soo baxay ayaa ugu baaqay in ay taageeraan ciidamada Galmudug iyo kuwa dowlada ee dagaalka kula jira Al Shabaab.

Banaan baxan ka dhacay Gaalkacyo ayaa kusoo aadaya xili dagaal u dhaxeeyo Al Shabaab iyo ciidamada Galmudug maalmihii lasoo dhaafay ka socdeen qeybo kamid ah gobolka Mudug, waxaana weerarkii ugu dambeeyay Al Shabaab shalay ku qaadeen Camaara.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -