Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo la kulmay dhigiisa dowladda Kenya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somalia Mohamed Abdirizak Mohamud ayaa maanta la kulmay dhigiisa dalka Kenya Mss Raychelle Omamo.

Labada Wasiir ayaa qeyb ka ah madax kala duwan oo lagu casuumay shirka Madasha Diblomaasiyadda ee ka socda magaalada Antalya ee dalka Turkiga.

Sida lagu sheegay qoraal kooban oo ka soo baxay Wasaarada arrimaha dibeda ee Somalia, labada wasiir waxay ku celiyeen baahida loo qabo in la sii wado xoojinta xiriirka wanaagsan ee labada dal.

Dhinaca kale Safiirka Kenya ee Soomaaliya Amb. Lucas Tumbo ayaa maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho, waa tallaabadii u horeysay ee Kenya u qaaday soo celinta xiriirkii diblomaasiyadda iyo dib u furida Safaaradeeda Muqdisho ka dib muddo lix bilood ah oo xiriirka labada dal uu go’naa.

Diblomaasiyiinta Soomaaliya ayaa la filayaa iney maalmaha soo socda dib ugu laabtaan Nairobi, si ay iyagana ay dib uga furaan Safaaradda, loona bilaabo howlihii diblomaasiyadda iyo adeegyada bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda Shiinaha oo Fiiso bilaash ah siineysa muwaadiniinta kasoo jeeda lix dal

Cabdi Cade

Tuugo dhacday Dahab jooga Malaayiin Dollar oo la baadi goobayo (Daawo Sawirro)

admin

(Sawirro) Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Qoor-qoor & Danjire Nicolas Barlenge?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---