Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Ciidamo British ah oo tababar u xiray Saraakiil ka tirsan Milateriga Somalia (Sawirro)

Saraakiil gaaraya boqol oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Somalia ayaa maanta waxaa loo soo xirey tababar ay hoggaaminayaan ciidamo Ingiriis ah, kuwaasoo xarun tababar ku leh magaalada Baydhabo, oo ah xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed.

Tani ayaa aheyd tababar socday lix toddobaad, taasoo loogga gol lahaa in la xoojiyo tabta iyo xeeladda dagaal ee ciidanka xoogga dalka, ay ugga hortagi karaan Alshabaab.

Ciidankan ayaa waxaa tababarey hey’adda ammaanka ee Ingiriiska ee fadhigeedu yahay Baydhabo. Qalin jabinta maanta ayaa ka dhigeysa tirada saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee uu tababarey Ingiriiska in ka badan 2,300 afartii sano ee lasoo dhaafey.

Xafladan qalin jabinta waxaa qeyb ka ahaa wasiirka gaashaandhiga xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji, Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdulcasiis Maxamed “Lafta Gareen”, safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Kate Foster, sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa, saraakiil sar sare oo ka socda ciidanka iyo qeybaha kale ee dowladda.

Madaxweyne Lafta Gareen ayaa ugga mahad celiyey dowladda Ingiriiska tababarka ay u fidisay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/NMVkaW39Is0

 

Related posts

Diin Diin si weyn looga baadi Goobayo Muqdisho iyo Gobolada Qaar iyo Lacag badan oo ..

admin

Waa maxay Walaac uu Ra’isul Wasaare Netanyahu ka qabo Turkiga ?

Cabdi Cade

Fanaanad Caan ah oo loo magacaabay in ay noqoto Danjire

Cabdi Cade
Taboola Ads ---