Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

War cusub oo ka soo kordhay weerarkii Saraakiisha & Galmudug oo ka hadashay

Wasaarada amniga Galmudug oo war kooban soo saartay ayaa ka tacsiyadeysay saraakiishii galabta lagu laayey inta u dhexeysa degmooyinka Guriceel iyo Balanbale.

Qoraal ka soo baxay wasaarada ayey ku sheegtay in la soo badbaadiyey qaar ka mid ah saraakiisha la weeraray oo dhaawac ah laguna raad joogo kooxihii weerarkaas fuliyey.

“Ciidamada amaanka Galmudug hawlgal baahsan oo ay ka wadaan deegaankii faldanbiyeedkaas foosha xun uu ka dhacay, waxay ku guulaysteen in ay soo badbaadiyaan saraakiishii la weeraray qeyb ka mid ah ayagoo ku raadjooga kooxihii dilkaas geystay si cadaaladda loo horkeeno” aya sidoo kale lagu yiri qoraalkaas.

Wararka kale oo aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Inta iyagoo dhaawac ah gacanta lagu dhigay qaar ka mid ah maleeshiyadii jidka u galay Saraakiishii Ciidamada ee lagu laayey galabta qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud.

Saraakiishan ayaa abaare Sideed saac oo duhurnimo ka baxay degmada Guriceel, iyagoo ku sii jeeday degmada Balanbale, waxaana jidka u galay maleeshiyo hubeysan oo ku sugan degaanka Bali-howd

Maleeshiyaadka oo tira ahaan gaarayey qiyaastii 10 ayaa la sheegay iney dhexdooda qeybsameen, waxaana saraakiisha loo ogolaadey inay safarkooda si Nabad ah u sii wataan, maadama aysan qeyb ka aheyn is-ugaarsiga reer Miyiga iyo Xoola dhaqatada.

Laakin qaar ka mid ah Maleeshiyada oo arrintaas diidanaa ayaa jidka u sii galay oo si kadis ah rasaas ooda uga qaaday labo gaari oo ay wateen saraakiisha oo iyaguna iska caabin sameeyey.

Sida dadka deegaanka sheegeen waxaa dhaawac halis ah uu soo gaarey afar ka mid ah maleeshiyaadka kuwaasoo la sheegay iney wareegeen ciidamada Galmudug.

Degaanka dhibaatadu ka dhacday waxaa gaarey ciidamo fara badan oo ka baxay, Dhuusa-Mareeb, Guriceel iyo Caabudwaaq, kuwaasoo baadi goobayey ragga weerarka fuliyey.

Falkaan waxa uu salka ku haya aanooyin qabiil oo maalmahaan ka dhacay meesha dhibaatadu ka dhacday.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Saraakiishan looga digay inay dhulkaas maraan, taa bedelkeedana ay ka wareegaan Dhuusa-Mareeb. Laakiin waxay ku adkeysteen inay ku safraan jidka isku xira Ballanbale iyo Guriceel.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo: Farmaajo oo Siyaasad ahaan looga adkaaday shirkii Villa Somalia & Warar kale

Caydiid Ali

Niger: Ciidamada Ruushka oo galay saldhig ay degan yihiin Milateriga Mareykanka

Caydiid Ali

Buufinkii Basaaska looga shakiyay oo la qarxiyay iyo Madaxweyne Joe Biden oo ka hadlay

Cabdi Cade