Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliya oo amar siiyay ciidamada ku sugan Muqdisho

Taliyaha ciidamada booliiska Soomaaliya Janaraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa ka hadlay cabasho shacabka magaalada Muqdisho qaarkood ka keeneen hab dhaqanka ciidamada qaarkood kula dhaqmaan dadka shacabka ah.

Janaraal Xijaar ayaa sheegay in ciidamada looga baahan yahay in si wanaagsan ula dhaqmaan una dhimriyaan shacabka, waxa uuna xusay in ciidamada booliiska yihiin u adeegayaasha shacabka.

Taliyaha ciidanka booliiska ayaana amar ku siiyay ciidamada booliiska ee jooga baraha koontarool iyo saldhigyada booliiska si wanaagsan ula dhaqmaan gaar ahaan dadka dadka waa weyn iyo kuwa baahiyaha gaarka ah qaba.

” Ciidanka Booliska meel kasta oo uu joogo waxaan amrayaa inay shacabka wakiilka ka yihiin si wanagsan ula dhaqmaan, suuqa, Koontoroolada, saldhigyada, laamiyada, Boolisku wuxuu yahay ilaaliyaha Shacabka ayuu yiri” Taliye Xijaar.

Amarka taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xili ciidamada booliiska ee jooga Koontaroolada iyo goobaha qaar si aan wanaagsaneyn ula dhaqmaan dadka shacabka ah ee goobahaasi taga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -