Gaadiidka Dhismaha iyo Injineero u dhashay dalka Masar oo gaaray Gaza (Daawo Sawirro)

Dhulka Falastiin waxaa gaaray Gaadiidka waa weyn ee Cagafcagafyada iyo gaadiid kale oo nuuca dhismaha ah oo dowlada Masar u dirtay Marinka Gaza , si ay gacan uga haystaan Dib-u-dhiska dhismooyinkii ku burburay dagaalkii u dhaxeeyay Israa’iil iyo Xamaas.
Waxaa sidoo magaalada Gaza gaaray Injineero iyo shaqaale dhinaca Dhismaha oo u dhashay dalka Masar kuwaa oo diyaarinaya  Naqshadaha Dib-u-dhiska daarooyinkii ku bur buray duqeymaha Israa’iil ka fuliyeen Gaza.
Gaadiidka iyo Injineerada u dhashay dalka Masar ee gaaray dhulka Falastiin ayaa si weyn loo soo dhaweeyay, waxa ayna kooxdan si deg deg ah uga howlgali doonaan magaalada Gaza si ay u fuliyaan shaqada loo diray.
Madaxweynaha dalka Masar C/Fataax El-sissi ayaa dib u dhiska magaalada Gaza ugu deeqay lacag gaareysa 5 million oo Dollar, waxaana qandaraaska dhismaha Gaza la siiyay Shirkadda Dhismaha ee Milliteriga Masar.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -