Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Madaxweyne Qoor Qoor oo ka qeybgalay munaasabad Caleemo saar ah (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye oo ku sugan degmada Balanbal ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu caleema saarayo gudoonka cusub ee dhawwaan loo doortay degmada Balanbal.

Munaasabadda caleema saarka gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka degmada Balanbal oo dhawwaan ay doorteen golaha deegaanka ayaa sidoo waxaa ka qeyb galay golayaasha dowlada iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha maamulka Galmudug Qoor Qoor ayaa ugu hambalyeeyay guddoonka cusub ee degmada Balanbal, isagoona ugu duceeyay in Eebbe la garab galo masuuliyadda culus ee loo doortay.

Waxa uu sidoo kale madaxweynaha Galmudug boggaadiyay wasaaradda arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Galmudug, oo dardar gelisay dhismaha golayaasha deegaanka degmooyinka Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Israel oo duqeysay saldhigga ciidamada Qaramada Midoobay ee Koonfurta Lubnaan

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Kaamirooyin duubay Doofaarka Dunida ugu fool xun !!

admin

Wararkii ugu dambeeyey dagaalo culus oo ka dhacay Magaalada Marko

Caydiid Ali
Taboola Ads ---