Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo xilal u Magacaabay Masuuliyiin cusub (Akhriso)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa Agaasimeyaal cusub u magacaabay Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Caafimaadka.

Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble  ayaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga loogu magacaabay Xasan Maxamed Saciid Samatar.

Sidoo kale, Rooble ayaa  Agaasimaha duud ee Wasaaradda caafimaadka & daryeelka Bulshada loo magacaabay Cabdinaasir Mukhtaar Ibraahim.

Wareegtada laguma xusin sababta loo bedelay Agaasimayaashii hore ee Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Caafimaadka oo ka mid ah Wasaaradaha ugu shaqada badan DF.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia, 
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Rooble oo amar deg deg ah siiyey laamaha amaanka ka dib weeraradii xalay

Caydiid Ali

Xogta Kulamo aadan Madoobe la qaatay Safiirada dalalka UK & Imaaraadka (Sawirro)

Caydiid Ali

Somaliland oo ka jawaabtay Wararka sheegaya in ay gabaad siiso kooxda Al Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---