Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Wasiirad lunsatay lacag Malaayiin Dollar oo Deeq ah oo Xukun xabsi ah lagu riady !!

Wasiirkii hore ee horumarinta bulshada ee dalka Zaambiya, Emerine Kabanshi, ayaa lagu riday xukun xabsi ah, kadib markii lagu helay in ay ku kacday falal musuq maasuq ah oo lacag badan lagu lunsaday.

Maxkamad kutaala magaalada Lusaka ee caasimada dalka Zaambiya ayaa  labo sano oo xabsi ah ku riday Emerine Kabanshi, oo lagu helay in ay ku lug laheyd lacag gaareysa  $4.3m oo la lunsaday intii wasiirka aheyd.

Lacagtan la lunsaday ayaa loogu tala galay in lagu taageero qoysas sabool ah oo u dhashay dalkaasi Zaambiya, waxaana lacagtan oo deeq ahaan loo siiyay dowladaasi wasaarada Horumarinta bulshada u marsiisay gaarsiinta dadka danta yar ee loo qorsheeyay.

Madaxweynaha dalka Zaambiya  Edgar Lungu, ayaa sanadkii 2018-kii ku qasbanaaday in shaqada ka eryo Wasiirkii hore ee horumarinta bulshada  Emerine Kabanshi, kadib fadeexadan xatooyada markii ay soo baxday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxay ka dhigan tahay Guusha Doorashada Max’uud Cali Yuusuf?

Caydiid Ali

Maamulka TV-ga Qaranka oo shaaciyay Sababtii toos loogu baahin waayay Hadal-jeedintii Sheekh Shariif

Cabdi Cade

Madaxda dowlad goboleedyada oo isku fahmi waayey War murtiyeed laga soo saari lahaa Mooshinka Jawaari

Caydiid Ali
Taboola Ads ---